Kulan muhiim oo looga hadlayay dagaalka Al shabaab oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, waxaa lagu qabtay shir looga hadlayay dardar gelin guluf millateri oo ka dhan ah deegaannada Al shabaab kaga sugan yihiin bariga gobolkaas, sidii looga fara maroojin lahaa, waxana halkaas ka socdo dhaqdhaqaaq ciidan oo xooggan.

Kulanka waxaa shir guddoomiyay Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka Soomaaliya, xasan Macalin iyo xillibaan Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey, waxana goobjoog ka ahay xillibaanno heer faderaal iyo heer dowlad goboleed, iyo masuuliyiin miisaan culus gobolka.

Kulanka ayaa la isla qaatay in loo midoobo howgallada Al shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka, waxaa kale oo goobta lagu soo hadal qaaday in la diyaariyo cudud ciidan oo bilaaw u ah gulufkaas.

Muddooyinkii dambe Galmudug ayaa noqotay isha wararka ku saabsan howlgallada iyo kulamada looga hadlayo dagaalka wajiga labaad ee dowladdu ay waddo in ay dalka kaga xorreyo kooxda Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed