Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukun lagu riday 36 nin oo ajanabi ah (DAAWO)

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabaysay dacwad la xiriirtay kaluumaysi sharci daro ah oo 36 nin oo ajanabi ah lagu soo oogay, ka dib markii laga soo qabtay xeebaha dalka bishii April ee sanadkan iyagoo si aan sharci ahayn uga kaluumaysanayay

Garsoore Siciid Cali Maxamed ayaa ku dhawaaqay in 36 nin oo u dhashay dalalka Pakistan & Iiraan lagu xukumay mid kasta oo ka mid ah 12 kun oo doolar, iyadoo lala wareegay labadii doon ee ay ku kaluumaysanayeen.

Qareennada difaacayay kaluumaysatadan ayaa ku dooday in ay ka haysteen ruqsad maamul goboleedka Galmudug, hase yeeshee maxkamadda ayaa ganafka ku dhufatay dooddaas, waxaana ay u cuskatay xeerka kaluumaysiga dalka ee dhigaya in Dawlada Federaalka oo kaliya ay xaq u leedahay bixinta ruqsadaha kaluumaysiga xeebaha Soomaaliya, sidaasi darteed ay go’aamisay in raggan ay ku jireen kaluumaysi sharci daro ah.

Halkan ka daawo ku dhawaaqista go’aanka dacwada

Warqabadka HBN Online

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed