40 Ka Tirsan Al-shabaab oo Lagu dilay Jubada Hoose.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada dowladda Faderaalka ay dileem 40 xubin oo ka tiraan Al-shabaab deegaanno ku yaal gobolka Jubada Hoose.

Ciidanka kumaandooska Da iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgalo dhowr ah ka sameeyay deegaanka Weel-Maaroow iyo goobo kale saldhig u aheyd xubno ka tirsan Al shabaab, waxay burburiyeen fariisimo AS ay ku lahaayeen gobolkaas. Gaar ahaan deegaannada howgalkaas laga sameyay.

Goobaha ay howlgalkaan ka fuliyeen ciimada ayaa ah, deegaanno 42-KM u jira dagmada Jilib oo ay ku sugnaayeen hoggaamiyaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Bayaan ka soo baxay dowladdu waxay ku shaacisay in ay dileen 40  kamid yihiin horjoogayaal iyo madaxii Qaraxyada Jubooyinka Farxaan iyo ku xigeenkiisii Cabdi Mahad ayaa lagu dilay howlgalka , Sidookale hoggaamiyaasha la d dilay waxaa kamid ahaa madaxii maaliyada ee deegaanka Weel-Maaroow.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegteen dilka Taliye ku xigeenkii ciidamada Danab ee Jubalan, sida ay ku daabaceen Warbaahinta  Al-shabaan.

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed