Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta kula kula yeeshay Aqalka looga arrimo dalka, Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, kulanka ayaa looga hadlau arrimo kale, oo ku saabsan xaaladda dalka, dagaalka Al shabaab, nabadeynta deegaannadii hore ciidanka Soomaaliya  la wareegeen.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa isla soo qaaday, xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan  Alshabaab lagu cirib tirayo.

Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada.

Shariif Sheekh Axmed ayaa dalka dib ugu soo laabtay dhawaan, kaas oo muddooyinkii dambe ku maqnaaa bannaanka, waxaa uu kamid ahaay Siyaasiim diidaneyd wax ka beddelka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee ku aadan hannaanka qof iyo Cod.

HBN MEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed