Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya  xal lag gaaray colaad ka taagneed maalmahaan deegaannada Galmudug ee bartamaha Soomaaliya, dirirtaan ayaa u dhaxeysay maleeshiyaad wadaago deegaanka oo halkaas dhowr jeer ku dagaalamay, kuwaas oo haatan xal laga gaaray.

Deegaano miyi ah oo hoos taga magaalada Dhuusamareeb ayey muddooyinkii dambe ku dagalamayaan maleeshiyeed beeleedka waxana ka dhashay khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac, wada hadalo socday maalmahaan ayaa suurto galiyay in hishiis laga gaaro.

Maamulka Galmudug oo ku baxay deegaanka lagu dagalamay ayaa gogol dhex dhigay, kuwaas oo lagu wada hadalsiiyay madashii kulanka waxana loogu baaqay in ay joojiyaan dagaalada soo laa laabta ee deegaanka, waxana lagu hishiyay in xaalada la qaboojiyo.

Deegaanno ka tirsan Galmudug ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku dagaalamayay maleeshiyaad halkaasi wada daga maamulka ayaana dhowr jeer soo saaray digniino ku aadan in la joojiyo dagaalada oo geysanaayay khaasaaro xooggan oo dhinacyada ah.

 HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed