Faahfaahin weerar xooggan oo Al Shabaab ku qaadeen Masagawaay

Wararka ka imaanaya deegaanka Masagawaay ee gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal culus oo muddo saacado ah socday uu dhexmaray ciidamada dawlada federaalka Soomaaliya & xooggaga Al Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Al Shabaab weerar gaadmo ah ku soo qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada dawlada gaar ahaan kuwa lagu soo tababaray dalka Eritrea oo dhawaan la geeyay deegaanadaas, waxaana la sheegay in uu ku bilowday weerarku qaraxyo ka dibna dagaal toos ah oo qaraar uu bilowday.

Khasaaraha dagaalka ka dhashay ayaan si rasmi ah loo ogayn, waxaase jira warar sheegaya in dhimasho iyo dhaawac badan uu ka dhashay dagaalka kaasi oo soo gaaray dhinacyada dagaalamaya.

Al Shabaab ayaa ku sheegtay bayaan ay soo saareen inay dileen 73 askari oo ka mid ah ciidamada dawlada, balse ma jiraan cid madaxbannaan oo xaqiijin karta sheegashadooda.

Dhan kale, war kooban oo lagu qoray warbaahinta Dawlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada xoogga ay ka hortageen weerar ay ku soo qaadeen Al Shabaab, isla markaana waa sida hadalka loo dhigay’e ciidamadu ku raad joogaan firxadka “maleeshiyaadka”.

Deegaanka Masagawaay ayaa bishii Janaayo waxaa Al Shabaab kala wareegay ciidamada Dawlada Soomaaliya taasi oo qayb ka ahayd hawlgalka ka dhanka Al Shabaab ee ka socda qaybo ka mid ah dalka.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed