Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis is-afgarad oo dhinaca difaaca iyo amniga ah la saxiixatay dowladda Pakistan, oo ka mid ah dalalka ku hubeysa quwadaha hubka wax gumaada ee nukliyeerka.
Heshiiska ayaa waxaa magaalada Islamabad ku kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho ku jooga Pakistan, iyo dhigiisa dalkaas Khawaja Muhammad Asif, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan labada dowladood.
Qodobada heshiiska ayaa diiradda saaraya iskaashiga la-dagaallanka argagixisada, tababarrada ciidamada, is-weydaarsiga khibradaha iyo aqoonta milatariga, kobcinta awoodaha difaaca, iyo xoojinta wada-shaqeynta dhinaca amniga, waxaana labada dhinac ay isku raaceen xoojinta iskaashiga milatari iyo horumarinta awoodaha ciidamada.
Mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Pakistan ayaa sheegay in heshiiskan uu qayb ka yahay dadaallada lagu ballaarinayo xiriirka labada dal, isla markaana uu gacan ka geysan doono horumarinta hay’adaha amniga Soomaaliya, taageeridda nabadda iyo xasilloonida gobolka.
HBN ONLINE TV

