Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in Madasha Mucaaradku aysan ka tanaasulin xuquuqda dastuuriga ah ee ay u leeyihiin qabashada banaanbaxyo iyo furashada xafiisyo siyaasadeed meel kasta oo ka tirsan magaalada Muqdisho.
Shariif ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda isu soo baxa nabadeed iyo cabbiridda aragtida siyaasadeed, isagoo xusay in qof kasta uu xaq u leeyahay inuu si nabad ah u muujiyo fikirkiisa, taasi aanay ka tanaasuli doonin.
“Kama tanaasulin, xaquuq dastuuri ah waaye Banaanbaxu, qof walba xaquu u leeyahay in ra’yigiisa cabiro, si nabad ah banaanka ugu soo boxo. In xafiis aan furano oo magaalada meeshii aan doono ka furano kama tanaasulin, waa xaquuq aan leenahay,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Sidoo kale, Madaxweyne hore Shariif ayaa isbarbardhig ku sameeyay dhacdooyinkii siyaasadeed ee dhacay sanadkii 2021 iyo kuwii ay mucaaradku la kulmeen sanadkan 2026, isagoo sheegay in farqiga u dhexeeya uu yahay awoodda ciidan ee la adeegsaday.
Wuxuu sheegay in sannadkii 2021 isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xiligii ay u ololaynayeen banaanbax siyaasadeed la kulmay weerar hubeysan, balse kii dambe oo Shariif abaabulayey, una tegay Mirinaayo ahaa mid dowladda ay adeegsatay awood ciidan oo aad u ballaaran intii lagu guda jiray dhacdooyinkii ugu dambeeyay.
Shariif ayaa carrabaabay in magaalada Muqdisho la xiray, lana adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drones) iyo hub culus. Wuxuu ku eedeeyey dowladda inay adeegsatay nuuc walba oo ciidamada ah, oo ay ku jiraan militariga, booliska iyo hay’adaha nabadsugidda, halka uu xusay in dhacdadii 2021 ay fuliyeen ciidan tiro ahaan kooban.
Hadalka Shariif Sheekh Axmed ayaa imanaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, iyadoo dhinacyadu ay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal siyaasadeed oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.
HBN ONLINE TV

