Dowladda Itoobiya oo Liiska Argagixisada Ka Saartay Kooxda TPLF

War ka soo baxay gudaha dalka Itoobiya ayaa ku waramaya in Kooxda TPLF ayaa lagaa saaray liiska Argagixisada kuwaas oo horay loogu daray xilligii uu socdeen dagaaladii Waqooyiga dalka Itoobiya.

Golaha Barlamaanka ee dalka Itoobiya ayaa liiska argagixisada ka saaray Jabhadda TPLF oo lagu diray xiligii uu dagaalki ka socday Gobolka Tigrey.

Tallaabadan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii nabadeed ay labada dhinaca sanadkii hore ku kala saxeexdeen dalka Koonfur Afrika.

Sidoo kale heshiiskaas, waxaa qeyb ka ahaa in dib loo soo celiyo adeegyadii muhiimka ahaa ee bulshada.

Adeegyadaas waxaa kamid ah gargaarka banii’aadanimo in la gaarsiiyo shacabka iyo hub ka dhigis lagu sameeyo ciidamada Tigray si ay qeyb uga noqdaan ciidamada dowladda.

HBN News Desk, Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed