15 kadib degamada Xarardheere oo loo dareeray goobaha Waxbarashada

Muddo 15 sanno ah kadib degmada Xarardheere ee gobolka Mudug waxaa uu baryay waa cusub kadib markii saaka magaalada ay ka bilaawdeen adeegyadii waxbarashada iyo kuwii arrimaha bulshada, sawirada laga soo qaadday Xarardheere ayaa muujinaya ardayda dugsiga Hoose iyo Dhexe oo u dareeray goobihii waxbarashada oo dib loo howl-galiyay in muddo ah oo ay aheyd furin dagaal iyo difaaca Al shabaab.

Waa markii ugu horreysay ee la arkayo iyada oo ay shaqeeynayaan goobihii waxbarashada taniyo markii Al shabaab magaaladaas ay gacanta ku dhigeen, oo noqotay mid lumisay astaantii tacliinta, iyga oo maamulayay in ka badan 10 sanno. Ilaa 110 Arday oo iskugu jiro dugsiga hoose iyo dhexe ayaa maanta bilaabay iftiinkii waxbarashada degmadaas.

Dagaaladii wajiga 1-aad ayaa ururka Al shabaab looga  saaray Xarardheere oo ah magaalo istaraatiiji ah kana mid ah magaalooyinkii qadiimiga ah ee ku sunta sooyaalka Soomaalida, balse hadda ayey ka soo kabaneysaa dib u dhacyo xooggan oo ay kulansatay magaaladaas taniyo markii ay weysay adeegyada dolwadda, gacanta u gashay dagaalyahannada Al shabaab.

Waaga cusub ee u dashay dadka magaalada Xarardhere ayaa waxaa ka dhalatay falcelin xooggan oo ka imaaneysay qeybaha bulshada , qaar kamid ah dadkii ku soo barbaaray magaalada kana mid ahay ardaydii wax ku soo baratay, ayaa baraha bulshada uga falceliyay faallooyin kala duwan oo xasuus lagu dheehay.

Cabdiwaaxid Maxamed Cali oo kamid ah dhalinyarada baraha bulshada isticmaasho, kaas oo qeyb ka ahay ardaydii dhigan jirtay Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Xarardheere 2008 ayaa qoraalkaan ku daabacay Facebook-giisa:

“Waxaan soo xasuustay 2008 markii iigu horeysey aan xirtay dharkaas jaalaha ah oo xiligaas loo xiran jiray fasalada 7aad, 8aad iyo 9aad, aniga iyo asxaab fara badan oo aan isku fasal aheyn ayaan kusoo lebisanney dharkaas quruxda badan taasoo aan mudooyinkaas laga xiran magaalada. Lama qiyaasi karin sabtigaas farxadda iyo hilowga aan u qabno fadhiga fasalka 7aad iyo xirashada dharkaas jaalaha ah, waxaa noosoo galay macallin Abdirazaq Isse Dirie oo markaas noo dhigi jiray maadada #syniska weji farxad iyo rabitaan ka muuqdo, gacmo u ooman dhigista casharka, qalbiyo u hilowsan waxbarashad ayaan kusoo dhoweyney”.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa xogga saareysa in deegaannada laga saaray Al shabaab la gaarsiiyo adeegyada dowladda iyo kuwa arrimaha bulshada muddooyinkii dambe.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed