10 xubnood oo ka tirsan Al shabaab oo lagu qabtay magaalada Beledweyne isla markaana ku sii jeeday gobolka Galagaduud

Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka  Soomaaaliya (NISA), ayaa gacanta ku soo dhigay 10  xubnood ooka tirsan  Al-Shabaab, kadib hawlgal ay maanta oo Talaado ah ka sameeyeen Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay kooxda   Al-Shabaab, waxaana ay u soo bandhigeen sawiradooda warbaahinta, kuwaas oo lagu eedeeeyay in la sahqeynayeen ururka Al shabaab, gaar ahaan magaalada Beledweyne.

Hay’adda ayaa sheegtay in ujeedka kooxdan ay ahayd in ay ka guuraan gobolka Hiiraan una gudbaan gobolka Galgaduud oo ay dowladdu hadda ka wado howlgalo ka dhan ah Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed