10 Dagaal-yahan oo Ka Tirsanaa Al-shabaab oo La Soo Bandhigay Kuwaas Hadlay

Dagaal-yahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Baydhabo ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya,  Xubnahaan ayaa la sheegay in ay isku soo dhiibeen Ciidanka Dolwadda, kuwaas oo ka soo goostay Al-shabaab sida ay la shaaciyay.

Ciidamada Nabad Sugidda Koonfur Galbeed ayaa maanta shaaciyay in ay isa soo dhibeen Xubno ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaas oo gaaraya 10 dagaal-yahan oo siyaabo kala duwan ugu biiray Ururka, waxayna ka qeyb qaateen dagaal xooggan oo dhexmaray dowladda Soomaaliy iyo Al-shabaab.

Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ku soo bandhigay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo isa soo dhiibay, sida ay sheegtay hay’addu.

Waxaa la sheegay in kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaayeen  dhanka jabhadaha weerarada iyo dagaala fool ka foolka ah sida ay shaaca ka qaaday hay’adda Nabad Sugidda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Xubnaha oo warbaahinta ka soo muuqday ayaa sheegay in ay u dulqaadan waayeen nolosha Al-shabaab oo ah mid aad u adag sida ay ku warrameen, waxayna intaasi ku dareen in xilligaan kadib ay ka tanaasuleen wada sahaqeeyntii kooxda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed