41 qof oo tahriibayaal ku geeriyooday dooni ku degtay xeebaha Mediterranean-ka

Ugu yaraan 41 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay doon ku degtay todobaadkii hore bartmaha Mediterranean-ka, sida ay ku waramayso wakaaladda wararka ee Ansa ee dalka Talyaaniga oo soo xiganaysay dad ka soo badbaaday shilka oo soo gaaray jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in afar qof oo ka badbaaday doonida degtay ay u sheegeen in tirade guud ee dadka doonta saarnaa ay ahaayeen 45 qof oo ay ku jiraan sadddex caruur ah.

Doonta ayaa subaxnimadii Khamiista ka soo ambabaxday magaalada Safaqis ee dalka Tunisia oo ah meel inta badan tahriibayaashu ka soo kicitimaan, waxaana doontu ay degtay saacad ka dib markii ay halkaasi ka soo dhaqaaqday.

Dadka badbaaday oo kala ahaa saddex nin iyo haweenay ayaa u kala dhashay Ivory Coast iyo Guinea, waxay tibaaxeen in markab xamuul ah uu soo badbaadiyay dadkaasi, kadibna loo gudbiyay markab ay leeyihiin ilaalada xeebaha Talyaaniga.

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed