Xuska maalinta Booliska Soomaaliya oo maanta Muqdisho ka socotas iyo Madax ka qeyb galeysa

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo la aasaasay 20-kii Deseembar sanadkii 1943-dii oo laga joogo 81 sano, ayaa munaasabad lagu xusayo maanta ka socotaa Magaalada Muqdisho, iyada oo mas’uuliyiin kala duwan ay hambalyo u direen ciidamada iyo saraakiishooda oo xaalado kala duwan soo maray.

Munaasabadda xuska oo maanta oo sabti ah la qabahaa waxaa la filaa inay ka qeyb galaan madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalk Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa ammaanay ciidamada iyo hoggaankooda, waxaana uu sheegay in ay ka shaqeeyaan amniga, dabagalka iyo kahortagga dambiyada kala duwan.

”Waxaan u hambalyeynayaa Sareeyayaasha, Saraakiisha, Kormeerayaasha, Saraakiil-xigeenada, Alifleyda, Dableyda, xaasaska iyo carruurtooda, sanadguurada 81-aad ee aas-aaska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (1943 – 2024).’ Ayuu yiri Taliye Asad Cismaan.

Mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada ayaa si wadajir ah hambalyo ugu diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, iyaga oo ku amaanay doorkooda muuqda ee adkeynta amniga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed