Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaciyey caawa galka doorashada ku-celiska ah ee Galmudug oo wado in la qabto 30-ka bishaan September 2026, iyada oo la xiray liiska musharraxiinta ka qeybgalaya doorashada, laakiin waxaa si weyn su’aal loo duldhigay Ururka Towfiiq oo laga waayey guud ahaanba xogta la siidaayey.
War saxaafadeed ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in 12 urur siyaasadeed ay soo gudbiyeen galka musharraxiintooda, kuwaas oo kala ah Cadaaladda iyo Midnimadda Tiir, Madalsan, Muwaadiniinta Soomaaliyeed, Dimuqraadiga Soomaaliyeed, Cadaaladda iyo Wadajirka, Dadka Soomaaliyeed, Karaama, SAAB, Dan Shacab, Sincad, Dhallinyarada Talo Qaran iyo Ramaas.
Ururka siyaasadeedka Towfiiq oo uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed-Shaakir Cali Xasan, ayaa aan ka soo muuqan liiska ururrada ka qeybgalaya doorashada ku-celiska ah, inkastoo uu ahaa ururkii dalbaday in dib loogu laabto doorashadii hore ee Galmudug, ahaane kan kaalmaha 2-aad ka galay doorashadii hore ee golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka.
Doorashada ku-celiska ah ayaa ka dambeysay go’aan Maxkamadda Sare ee dalka ka soo baxay, kaasi oo lagu amray in dib loogu soo celiyo doorashada Galmudug, iyadoo guddiga doorashooyinku sheegay inuu ku shaqeynayo jadwalkii doorashada ee uu soo saaray 31-ka bishii hore ee August, isla markaana uu diyaargarowgu hadda ku socdo qabashada doorashada 30-ka September.
Dhanka kale, Guddiga doorashooyinka ma sheegin sababta ka dambeysay in Ururka Towfiiq uusan ka soo muuqan liiska uu shaaciyey, halka dhankiisa isna aanu wax war ah ka soo saarin in doorashada uu ka haray iyo in kale, iyo weliba waxyaabaha keenay in uusan ka soo muuqan xogta guddiga doorashooyinka shaaciyey.
Geesta kale, Ururka Towfiiq ayaa 24-ka bishii hore ee August taageeray go’aanka Maxkamadda Sare ay ku laashay natiijooyinkii doorashooyinka Golayaaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Galmudug, wallow uu markaasi dalbaday in wax ka bedel lagu sameeyey xubnaha hagaya doorashada dib loogu laabanayo.
HBN ONLINE TV

