Xukuumadda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo yeeshay kulan xasaasi ah iyo waxyaabihii looga hadlay kulnkaas

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee dhinaca horumarinta Aadanaha Marwo Mamta Murithi oo maanta soo gaartay dalka. .

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Horumarinta Soomaaliya oo ay ka mid yihiin qorshayaasha istaraatiijiyadeed iyo hindisayaasha lagu kobcinayo tayada bulshada Soomaaliyeed, iyadoo laga wada hadlay taageerada joogtada ah iyo taageerada la filayo in Bangiga Adduunka uu ka geysto dadaalladan horumarineed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta xirfadda iyo aqoonta dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay doorka muhiimka ah ee hindisayaashan oo kale ay ku leeyihiin horumarka dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Bankiga Adduunka Mamta Murithi ayaa ugu hambalyeysay Dowladda Q guulaha la taaban karo ee ay gaartay, gaar ahaan sida wanaagsan ee ay u soo gebagebeysay hannaanka deyn cafinta ee dalka sanadkii hore. Waxay muujisay sida ay uga go’an tahay Bangiga Adduunka inuu xoojiyo taageerada iyo wada shaqaynta hay’adaha kala duwan ee ay ku jiraan wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed