Xukuumada Somaliland oo eed culus u jeedisay xisbiyada mucaraadka isla markaana ka hadashay arrimaha kursiga madaxweynaha

 

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa eed kulul u jeediyay in xisbiyada mucaraadka maaamulkaas, waxaa uu sheegay in jagada kursiga madaxeynaha ay ku raadinayaan nidaam qabiil, sida uu hadalka u dhigay, isla markaana ay doonayaan in ay qaadaan tallaabooyinkaas.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in wax masuuliyad ah aysan isa saarin ilaalinta nidaamka jiritaanka Somaliland, iyaga oo ku iyaga  fikiraya sidii ay k heli lahaayeen kurisiga ugu sareeya Somaliland, isla markaana  in dadka xukuumada kasoo horjeeda oo mucaaradka ah,ay waddooyin qabyaaladeed kursi kuraadinayaan, kuwaas taariikhda dhismaha Somaliland na anay waxba ku lahayn, sida uu ku sheegay hadalkiisa.

Kaahin ayaa cod dheer ku sheegay in xisbiga Kulmiye ee hadda talada haya, uu isku dayi doono in markale noqdaan madaxweynaha hoggaamin doono Somaliland doorashooyinka soo aaddan, kaasoo ka fogaan doono in uu wax ku raadiyo hannaanka qabiileysan, dariiqaasna ay u arkaan mid dhibaato ku ah jiirtaankooda.

Dhanka kale marka laga soo tago eedeeynta xukuumadda, mucaraadka ayaa iyaguna dhowr jeer ku eedeeyay madaxda talada heysa in ay ku fashilmeen shaqooyin kii loo idmaday, oo ay ugu horryaan arrimhaa doorashooyinka uu muddo dheer dib u dhacay, iyo in ay dib u dhac ku rideen Somaliland

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed