Lix qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab aku dhintay qarax ka dhacay deegaanka Beera-Yabaal ee gobolka Hiiraan. Shaqsiyaadkan ayaa la sheegay in ay guri ku uruursanayeen, kaddibna ay si deg deg ah ugu qaraxday aalad ka sameysneed waxyaabaha qarxo, oo la tuhusan yahay in ay meesha ku diyaarinayeen, sida ay sheegeen ilo-wareeydo deegaanka ah.
Qaraxan ayaa qalqal geliyay xasiloonida degmada Buulaburte oo sanadkii hore laga saaray Al-Shabaab, kaasoo laga maqlay magaalada. Saameynta qaraxa ayaa aheyd mid aad u ballaaran, waxaana laga maqlayay meelo dhowr KM u jirta.
Maamulka deegaanka ayaa xaqiijiyay dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxaasi ay ahaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
majirto wax war ah oo ka soo baxay ururka Al shabaab ee ku aaddan qaraxaas, dhowr xubno ka tirsan Al shabaab ayaa ku dhintay qaraxyo ay diyaarinayeen kaddib markii ay ku qarxeen si aanan ku talgal aheyn.
HBN NEWS DESK