Xubin ka tirsan Al shabaab oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya

Maxamed Ibraahim ooa loo yaaqaan Najiib markii la joogo ururka Al shabaab ahaa isku dhiibay ciidanka xoogga Soomaaliya, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeyb 60-aad.

Maxamed Najiib oo Muddo 3-Sanno ah qeyb ka ahay dagaalyahannada kooxda Al shabaab, isla markaana ka qeyb qaatay dagaallo badan oo ka dhacay xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan magaalooyinka  Mandheera iyo Laamu oo ka tirsan dalkaaas.

Xilli uu ka soo muuqday warbaahinta ciidamada waxaa uu sheegay in tababar ku soo qaatay deegaanka Saakow  ee gobolka Jubadda Dhexe, halkaas oo qeyb kaga ahay malleeshiyaad  ku biiray Al shabaab.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda waxaa isku soo dhiibayay xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Al shabaab, kuwaas oo sheegay in ka tanaasuleen la shaqeynta Al shabaab.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed