Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo eedeeyn culus u jeediyay xukuumadda madaxweyne Biixi iyo warar been abuur ah

Xisbiga Mucaaridka ah  Waddani ee Somaliland ayaa si cad ugu eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Biixi inay ku kacday musuq-maasuq iyo dhac intii ay talada haysay. Eedahan waxa soo jeediyay afhayeenka xisbigaasi Maxamed Faarax Cabdi oo warbaahinta la hadlay. Waxa kale oo uu ku dhaliilay maamulkaas waxaa ku tilmaamay inay Somaliland burburinayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka  xisbiga Waddani  oo si toos ah madaxweynaha ugu eedeeyay musuq-maasuq iyo hanti urursi intii uu xilka hayay, waxa uu su’aal ka keenay halka uu ka keenay hantida madaxweynaha, waxaa uu yiri “Waan ognahay inuu ka mid yahay dadka ugu hantida badan, ma samada laga soo diray hantida, ma samada laga soo diray. ?

Ka sakow eedaymaha musuqmaasuqa, afhayeenka xisbiga Waddani waxa uu cambaareeyey in maamulku inuu been iyo warar aanan sal laheyn uu faafiyo . Waxa uu gaashaanka u daruuray hadal ka soo yeeray Xukuumadda oo sheegtay in Guddoomiyaha Xisbiga Waddani  Xirsi Cali Xaaji Xasan lagu xiray magaalada London, isaga oo arrintaasi ku tilmaamay mid been abuur ah.

Xukuumadda Somaliland oo ka jawaabtay eedaymahaas, ayaa xisbiga mucaaradka ah ku eedaysay musuqmaasuq. Eedeymahan la is weydaarsaday ayaa sii xoojiyey xiisadda siyaasadeed ee Somaliland, taasoo keentay walaac laga qabo saameynta ay ku yeelan karto siyaasadda iyo mustaqbalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed