Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka dib dagaal beeleedyo ka dhacay Mudug

Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku baaqay xabad joojin deg deg ah kadib dagaal beeleed u dhaxeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda koonfurta Mudug ee Galmudug iyo degmada Galdogob ee Puntland.

Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Fardowso Cismaan Cigaal oo kala matalayay labada beelood ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb galay shir looga hadlayay xalinta colaada gobolka Mudug.

War murtiyeed laga soo saaray kulanka kadib ayaa lagu nuux nuuxsaday baahida loo qabo xabad joojin deg deg ah, waxaana lagu dhawaaqay in kulan kale oo nabadeed la qorsheeyay todobaadka soo socda. Beesha Sacad ee Muqdisho ayaa martigelin doonta kulanka soo socda.

Xiisada colaadeed ee u dhaxeysa labada beelood ayaa salka ku haysa muran dhul, iyadoo dagaaladii u dambeeyay ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed