Xiisad colaadeed & dhaqdhaqaaq ciidan ayaa caawa ka taagan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay jirto cabsida dagaal dhexmara ciidamada ammaanka ee dawlada federaalka Soomaaliya & ciidamo ilaalo u ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa cambaareysay falal ay ku tilmaantay kuwo hubeysan oo lagu beegsaday ciidamada Ilaalada Shacabka ee ka howlgala Waaxda General Daa’uud. Dhacdaadaan waxay ku eedeysay inay ka dambeeyeen xubno ay la xariirisay madaxweyne hore Shariif Sheekh, balse ma jirto cid madaxbanaan arrintaasi xaqiijineysa.
Xiisadda ayaa soo bilaabay xalay, iyadoo ciidamo dawlada Soomaaliya ka tirsan la dhigay goobo ku dhow guriga Sheekh Shariif, iyadoo labada dhinac isku eedeynayaan bilowga xaaladdan.
Warsaxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay waa sida warsaxaafadeedka lagu xusaye in maleeshiyaad hubeysan ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley, isla markaana ay isku dayeen inay ciidamada amniga ku riixaan iska horimaad hubeysan.
“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka ee Hay’adda, kuwaas oo ka howlgalayay Laanta Koowaad ee Waaxda General Daa’uud, degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Falalkan, oo ay ku lug leeyihiin maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed” ayaa lagu yiri bayaanka NISA.
Muuqaal kooban oo ay siideysay warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka soo muuqday tiro 6 ruux oo askar hubeysan ah, balse loogu yeeray maleeshiyaad, kuwaa oo aagga la cayimay dhaqdhaqaaaq ciidan ka sameynaya. Xogtan ma muujin wax iska hor imaad hubeysan ah oo isla markaasiba dhacay.
Sidoo kale, Hay’addu waxay xustay dhacdooyin arrimahan la xariiray oo dhacay 24-kii iyo 27-kii bishii Juun ee sanadkan 2026 oo ay ku jiraan weerar iyo afduub askari.
Warsaxafadeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “Caddeymaha ay NISA uruurisay ayaa muujinaya in maleeshiyaad ku hubeysnaa AK-47, BKM iyo RPG ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee degmada Wadajir. 24-kii Juun 2026, maleeshiyaadkan ayaa weerar ku qaaday ciidamada Ilaalada Shacabka, waxaana la afduubtay mid ka mid ah ciidamadii waajibaadkooda gudanayay. 27-kii Juun 2026, waxay mar kale hor istaageen howlaha amni ee ciidamada ka howlgalayay Waaxda General Daa’uud.”
NISA ayaa ku dooday inay ka madaxbannaan tahay loollanka siyaasadeed, ayna sii wadi doonto waajibaadkeeda ilaalinta amniga iyo xasilloonida caasimadda, iyada oo bayaanka lagu yiri markale “NISA ma oggolaan doonto in ciidamadeeda loo jiido khilaaf siyaasadeed, mana geli doonto wax gorgortan ah oo ku saabsan sugidda amniga iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed. Hay’adda waxaa ka go’an gudashada waajibaadkeeda sharci, ilaalinta xasilloonida caasimadda iyo ka hortagga fal kasta oo khatar gelinaya nabadgelyada bulshada”.
Dhanka kale, Xisbiga uu hoggaamiyo madaxweyne hore Shariif Sheekh ee Himilo Qaran ayaa digniin adag u diray madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii uu sheegay inay jiraan xaalad daan-daansi, iyo xasarad abuur ah oo uu u nisbeeyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Warsaxafadeedka ayaa lagu yiri,“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si dhow ula socdaa daan-daansiga, xasarad abuurka, hurrinta colaado sokeeye iyo abaabulka ciidamo si gaar ah uga amar qaata, Madaxweynaha sharci-darrada ku jooga Villa Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu Xisbigu cambaareynayaa tallaabooyinkaas qar iska tuurka ah oo lagu khal-khal-gelinayo bulshada caasimadda, laguna carqaladeynayo wadahadallada siyaasadeed, islamarkaana dib u celin karta dowladnimada jilicsan ee aan haysano”.
Wuxuu carrabaabay in uu masuuliyadda qaadi doono wixii dhacdooyinka taagan ka dhasha sida uu hadalka u dhigay Xisbiga Himilo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu sheegay in ciidamda iyo saraakiisha hoggaamisa howlgallada socda ay ka digtoonaadaan wuxuu ku tilmaamay “qaadashada amarro baal-marsan dowladnimada”, kuwa oo uu carrabaabay in lagu beegsanayo siyaasiyiinta mucaaradka ah.
HBN ONLINE TV

