Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka Maxkamada Ciidamada Oo Digniin U Diray Askarta Ku Sugan Jiida Hore

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee  Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Cumar Saney ayaa uga digay askarta qeybta 24-aad ee Khaalid Bin Waliid ee degmada Ceeldheer in ay soo galaan magaalada iyaga oo hubeysan oo ay si macno darro ah u toogtaan.

Taliyaha ayaa ciidamada ka codsaday inay si wanaagsan u daryeelaan hantida ciidanka maadaama dalka uusan lahayn warshad u gaar ah.

Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa sidoo kale ka digay in aan si dhab ah loo qaadin xilka, diidmada awaamiirta, iyo rabshado laga sameeyo degmada.

Waxaa uu ka digay in dad shacabka ah dhibaato loo geysto, isla markaana ay sababsadaan rasaasta ay furayaan ciidamada kuwaas oo dhowr jeer dhaawacay ama dilay dad shacab ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed