Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa isku shaandheyn ku sameeyay xubno mid ah Golahiisa Wasiirrada, waxaana ay saameyn ku yeelatay xafiisyada Ra’iisal wasaare ku xigeenka 2-aad, wasaaradda arimaah Dibadda iyo Gaashaandhigga.
Go’aankan isku shaandheynta oo uu soo jeediyey madaxweyaha Soomaaliya ka dibna uu fuliyey Ra’iisal wasaare Xamsa ayaa u kala dhacay sidan: Jibriil Cabrashiid Xaaji Cabdi ayaa laga dhigay Ra’iisal wasaare ku xigeenka 2-aad, isagoo soo hayey xilka wasaaradda difaaca Soomaaliya 21 maalmood.
Sidoo kale, Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa laga dhigay wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya iyo Axmed Macalin Fiqi oo noqday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
Isku shaandheyntan ayaa la filayaa inay wax ka bedesho arimaha dagaalada iyo siyaasadda arimaha dibadda Soomaaliya.
HBN ONLINE TV