Dowladda Turkiga oo kordhiyay ciidamadiisa & maraakiibtiisa ku sugan xeebaha Soomaaliya 

Ciidamada Turkiga oo kaashanaya Ciidamada kuwa Sida Soomaaliya ayaa xoojiyay howlgallada lagu sugayo amniga xeebaha Soomaaliya, iyadoo la kordhiyay joogitaanka ciidamada badda ee Ankara ee biyaha Soomaaliya.

Warbixinta la baahiyay ayaa muujinaysa maraakiibta ciidamada badda Turkiga ee TCG Korkut, Altan iyo Sancar oo ilaalinaya markabka Jaari Bay, kaas oo ka shaqeynaya qodista shidaalka Soomaaliya.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in xukuumadda Ankara ay kordhisay joogitaanka ciidamadeeda ee biyaha Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan la-dagaallanka burcad-badeedda iyo kalluumeysiga sharci-darrada ah.

Sidoo kale, Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhawaan ciidamada Turkiga oo kaashanaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay howlgal ku soo furteen markabka MV Latuf oo kooxo burcad-badeed ah ku heysteen agagaarka degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Sanadihii u dambeeyay, dowladda Turkiga ayaa kordhisay tababarka, qalabaynta iyo taageerada ay siiso Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed, iyadoo labada dowladood ay xoojinayaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed