Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dilka Axmed Shire Xuseen, oo ahaa askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, kaas oo maalmo ka hor lagu dilay duleedka degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana warar soo baxaya ay sheegeen in loo dilay aano qabiil, kaddib markii koox hubeysan ay jidka u gashay isaga iyo 2 askari oo kale oo la socday.
Saddexda askari ayaa la sheegay inay xilligaasi ku jireen fasax, iyaga oo ku sii jeeday gobolka Hiiraan si ay u booqdaan qoysaskooda, balse Kooxo hubeysan ayaa dhammaantood qabatay, inkasta oo markii dambe ay sii dayeen labada askari ee kale, halka Axmed Shire uu gacantooda ku haray, waxaana laga duubay muuqaal uu ku baryayo in naftiisa loo daayo.
Marxuumka ayaa muuqaalka ka soo muuqday isaga oo sheegay inuu xanuunsanayo, gaajaysan yahay oo saacado badan aanu wax cunin, isla markaana uu u socday qoyskiisa, wuxuuna kooxdii gacanta ku haysay ka codsaday in aan la dilin. Markii dambe ayaa la sheegay in la dilay, iyada oo maydkiisa loo qaaday degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan. Ehellada iyo odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in si arxan darro ah loo jirdilay marxuumka
Dilka ayaa dhaliyay cambaareyn xooggan, iyadoo siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo qeybaha bulshada ay ku baaqeen in dadka loo heysto dilka askariga la soo qabto oo sharciga la horkeeno. Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhacdadani ay muujinayso sida ay u sii xoogeysanayaan dilalka salka ku haya aargoosiga iyo khilaafaadka beelaha, iyagoo dowladda ugu baaqay inay tallaabo adag qaaddo.
Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka si rasmi ah ugama hadlin faahfaahinta dilka Axmed Shire, waxaana Odayaasha dhaqanka oo hadlay ay dalbadeen jawaab la taaban karo iyo in la joojiyo dilalka noocan ah, iyagoo sidoo kale ku baaqay in ehellada marxuumka iyo dhinacyada kale ee ay arrintu khuseyso ay ka fogaadaan aargoosi iyo waxyeello loo geysto dadka rayidka ah.
HBN ONLINE TV

