Xalaadda Laascaanood iyo Dagaalo Xooggan oo Ka Dhacay Maata


Muqdisho (Hbnonlinetv)-

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxay dagaal aan waxbo la isku reeban oo dhexmaray Ciidanka Soomaaliland iyo kuwa deegaanka ee Magaalada Laascaannood.

Subaxnimadii  hore ee maanta oo Sabti ayaa dagaal aad u xooggan dib uga qarxay banaanka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kadib toobaadyo laga nastay dagaalladii horayu dhici jiray.

Dagaalka ayaa ka  bilaawday jihooyin kala duwan, oo magalaada ah, waxana la isku adeegsaday hubka Nuucyadiisa kala duwan kuwaas oo gabi ahaanba laga maqlay Magaalada.

Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, balse Sawirrada laga qaaday Magaalada ayaa muujiiinaya bur-bur xooggan taas oo ka dhigan in madaafiic la isku adeegsaday.

War ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in dagaalku bilaameyt 4:30am ayna soo weerareen ciidamo ay ugu yeereen huwan oo ah Ciidanka deegaanka Magaalada.

Dhanka kale Saraakiil katirsan Ciidamada SSC ayaa Warbaahinta u sheegay in ay Ciidamada Somaliland kala wareegeen Saldhigyo horleh, sidoo kalena ay ka qabsadeen Gaadiid dagaal iyo Maxaabiis dhowr ah.

Ilaa hadda xiisad culus ayaa ka taagan Gobolka, waxana jiro in labada dhinac ah waddaan Hub aruursi xooggan.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed