Weeraro kala duwan oo ka dhacay magaalada Boosaaso iyo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dashay

Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxaa  ka dhacay weerarro xooggan oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dhacdadii ugu horeysay ayaa ka dhacday bartamaha suuqa weyn ee magaalada, halkaasi oo dabley hubeysan ay rasaas aan loo meel dayin ku fureen dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Nasiib darro, nin ganacsade ahaa ayaa naftiisa ku waayay rasaasta, iyadoo raggii falkan geystay ay u suurtagashay inay baxsadaan ka hor inta aysan ciidamada ammaanka soo faragelin.

Inkastoo ay jawaab deg deg ah ka bixiyeen ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray markii ay baxsadeen kooxihii dilka geystay, ayaa haddana waxaan dadaalkooda wax natiijo ah ka gaarin soo qabashada kooxihii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale, weerar kale oo argagax leh, ayaa waxaa lagu weeraray guriga uu degan yahay Wasiirka Amniga Puntland, Ibraahim Xaaji Bakiin, lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas, iyadoo Wasiirka iyo qoyskiisa ay ka badbaadeen. Saraakiisha ammaanka ayaa bilaabay baaritaano ku aadan weerarkan, waxaana ay si xoogan u baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyay weerarka.

Weeraradan ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay magaalada Boosaaso ka dhacayeen falal qaraxyo ah, gaar ahaan kuwa lala beegsaday goobaha ganacsiga. Inkastoo dhacdooyinkan oo kale ay soo noqnoqdeen, haddana sheegashooyinka tooska ah ee mas’uuliyadda ayaa si gaar ah meesha looga saaray, taasoo adkeynaysa dadaallada lagu ogaanayo laguna soo qabanayo kooxaha weerarka geysta ee looga shakisan yahay Al shabaab iyo Daacish.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed