Weerar loo adeegsaday madaafiic oo dad isku qoys ah ku dilay gobolka Mudug iyo faah faahin laga helay

Degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka soo baxaya Weerar Madaafiic ah oo ay fuliyeen rag loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, weerarka ayaa dhacay xalay fiidkii, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo hal qoys kasoo kala jeeda.

Weerarkan khasaaraha geystay ayaa la arkayay madfac ku dhacay guri ay dagan yihiin, kaasoo galaaftay nolosha aabaha iyo hooyada qoyska. Intaa waxaa dheer, dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka oo hadda lagu daweynayo xaaladooda.

Dhacdadaas ka dib ayaa waxaa si deg deg ah loo billaabay jawaab celin, waxaana howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka Camaara lagu soo qabtay rag looga shakisan yahay falkan inay geysteen.

Saraakiisha ciidamada ayaa xaqiijiyay in howlgalka diirada lagu saarayo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin weerarada hoobiyaasha ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed