Weerar gantaal khasaare culus dhaliyay oo Xuutiyiintu ku qaadeen magaalada Talaabiib

Ugu yaraan 30 Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhaawacmay gantaal saaka waaberigii laga riday dalka Yemen oo ku dhacay magaalada ugu wayn Israa’iil ee Tel Aviv iyadoo dhawaaqa seeriga digniinta ka bixiya gantaallada laga maqlay dhowr goobood oo ku yaalla Israa’iil.
Adeegga Gurmadka Deg Degga ah ee Israa’iil ayaa sheegay in 16 qof ay ku dhaawacmeen gantaalka loona qaaday Isbitaalka.

Waaxda Difaaca Gudaha ee Israa’iil ayaa ku sheegtay in dhawaqa digniinta uu ka bilowday Tel Aviv oo ku taalla bartamaha Israa’iil.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahisay muuqaallo ay sheegeen inay muujinayaan xilliga uu gantaalku dhacay iyadoo aan lagu qaban nidaamyada difaaca cirka ee Israa’iil.

Dhanka kale, booliska Israa’iil ayaa sheegay inay heleen warbixinno ku saabsan waxyeello ka dhacday Tel Aviv oo ka dhalatay gantaalka Yemen laga soo tuuray.
Muuqaallo ayaa muujinayay fashilka nidaamka difaaca Israa’iil ee loo yaqaan Iron Dome oo la doonayay in lagaga hortago gantaalka laga soo tuuray Yemen.

Afhayeenka milatariga kooxda Xuutiyiinta ee loo yaqaan Ansar Allah, Yahya Sareec, ayaa daboolka ka qaaday in bartilmaameed ciidan oo ku yaalla magaalada Tel Aviv lagu garaacay gantaal xawaare sare leh (hypersonic ballistic missile) si loogu aargudo duqeymaha Israa’iil ay ka gaystay Yemen iyo xasuuqa ka socda Marinka Gaza.

Wargeyska Maariv ayaa sheegay in Xuutiyiinta ay Israa’iil ku rideen in ka badan 200 gantaal iyo in ka badan 170 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo qarxa tan iyo bilowgii dagaalka 7-dii Oktoobar 2023.
Wargeysku wuxuu sheegay in ciidamada Mareykanka, kwua cirka iyo kuwa badda Israa’iil ay qabteen inta badan gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee laga soo tuuray Yemen.

Raadiyaha ku hadla afkuumadda Israa’iil ayaa sheegay in ciidanka milatariga ay baarayaan sababta fashilka ee ka hortagga gantaal laga soo tuuray Yemen oo ku qarxay Tel Aviv, taas oo sababtay dhaawaca 30 qof.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed