Wasiirka Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa sheegay in ay si buuxda u dhaqan-gashay amarkii Madaxweynaha ee ahaa in hubka culus laga mamnuuco gudaha magaalada Muqdisho.
Fartaag oo ka hadlay shir amni oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in qorshaha cusub ee dowladda uu dhigayo in mas’uuliyiinta dowladda, oo ay ku jiraan wasiirrada iyo xildhibaannada, loo oggolaan doono kaliya laba ilaalo ah oo wata bistoolado, si loo yareeyo hubka culus ee magaalada lagu dhex qaato.
“Muqdisho waxaan rajeynaynaa inay noqoto meel aan ku bilowno in wasiirku qaato laba nin oo bistoolado wata… xildhibaannadana sidaas oo kale,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.
Wuxuu si adag u dhaleeceeyay dhaqanka hubka faraha badan ee ay wataan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta, isagoo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin. Waxa uu sheegay in la doonayo in la joojiyo “taliye ama sarkaal meel ordaya oo hub culus wata,” isla markaana magaalada laga dhigo mid ka caagan hub sharci-darro ah.
Wasiirku wuxuu xusay in amniga caasimadda uu yahay mudnaanta koowaad, ayna dowladda ka go’an tahay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.
HBN ONLINE TV

