Israsaaseyn khasaare dhalisay ayaa galinkii dambe ee maanta ka dhacday koontaroolka bari ee magaalada Garoowe, halkaas oo ay isku dhaceen ciidanka Booliiska Puntland iyo ilaalada qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ka yimid Boosaaso iyo Carmo, kuwaas oo la sheegay in loo diiday inay galaan caasimadda.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in iska hor imaadku uu sababay khasaare aan weli si rasmi ah loo faahfaahin. Siyaasi Xasan Shire ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe, kaddib markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir, iyadoo gudaha magaalada loo galbiyay isaga oo wata gaadiid dagaal.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay Garoowe gaaraan siyaasiyiin iyo saraakiil kale oo mucaarad ah.
Dhanka kale, Waxaa jira warar sheegaya in ciidamadii laga celiyay magaalada Garoowe inay jidgooyo dhigteen degmada Carmo, iyadoo diidan inay halkaasi maraan gawaarida maamulka Puntoand, balse waxay fasaxeen gawaarida dadweynaha.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta Puntland oo ku aadan dhacdadan iyo israsaaseyntii ka dhacday duleedka magaalada Garoowe
Dhacdadan ayaa ku soo aadaysa xilli Puntland ay dhawaan ku dhawaaqday in deegaannadeeda aysan ka howlgeli karin ciidamo aan ka tirsanayn maamulka, si gaar waxay u beegsatay kuwa dowlada Federaalka ah in aanay isaga kala gudbi karin.
HBN ONLINE TV

