Guddoonka sare ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan looga hadlay diyaar-garow lagu wado in dib loogu furo Kalfadhigga 8-aad ee Baarlamaanka 11-aad, iyadoo diiradda lagu saaray sidii Baarlamaanku u sii wadan lahaa gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, waxaana ka qeyb galay Xoghayeyaasha guud ee labada Aqal.
Guddoonka ayaa isku raacay in Kalfadhiga 8-aad si rasmi ah loo furo, iyadoo taariikhda furitaankiisa lagu dhawaaqi doono maalmaha soo socda marka la dhammaystiro diyaar-garowga iyo xaqiijinta kooramka labada Aqal.
Sidoo kale, Waxay sheegeen in la adkeynayo doorka Baarlamaanka ee xoojinta dowladnimada, hay’adaha dastuuriga ah iyo taageeridda nabadda iyo horumarka dalka.
Kalfadhiga cusub waxaa horyaalla ajandayaal muhiim ah, oo ay ugu horreeyaan doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaddib markii Sheekh Aadan Madoobe loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyo sidoo kale ka doodista arrimaha masiiriga ah ee dalka, sida doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.
Dhanka kale, go’aankan wuxuu imaanayaa iyada oo khilaafaadka siyasadeed ee dalka ka jira uu sii adkaanayo, halka mucaaradku iyo maamullada xulafada la ah aaminsan yihin inuu muddadii shaqo ee baarlamaanka ku ekee bishii afara ee April ee sanadkan 2026, waxaana ay ku dhawaaqeen hannaan doorasho toos lagu tilmaamay oo ku-meel-gaar ah, taasi oo ay sheegeen inuu saldhig u noqonayso xal u helidda khilaafka siyaasadeed iyo qabashada doorasho loo dhan yahay.
HBN ONLINE TV

