Xukuumada Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday go’aan deegaanadeeda looga raafayo dadka sida ay sheegtay sharci darada ku jooga ee ajaaniibta ah, waxaana qabtay muddo 10 maalmood gudahood ah inay kaga baxaan.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdirashiid Xuseen oo ku magac dheer Magaalo ayaa amarkan cusub ku lagu farayo dhammaan dadka ajaanibta sharci darrada ku jooga deegaannada Somaliland inay haystaan 10 cisho oo kaliya, uuna go’aankan dhaqan galay laga bilaabo maanta.
Sidoo kale, Wuxuu xusay in talaabadan ay ku salayeen, ayna keentay sababo amni Hase yeeshee, ma uusan faahfaahin sababaha gaarka ah ee ka dambeeya amarka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Somaliland waxay ajaanib u aqoonsataa dhammaan dadka aan ka soo jeedin deegaannadeeda, oo ay ku jiraan Soomaalida ka timid deegaannada kale ee dalka, halka hadda ajnabiga ugu badan eek u sugan Somaliland ay yihiin Itoobiya iyo Yemen, kuwaa oo sifooyin kala duwan ku tagay magalaooyinka waaweyn sida Hargeysa iyo Burco.
““Ajaanibka sharci darada ah ee jooga Somaliland waxaa la ogeysiinayaa laga bilaabo maanta muddo 10 casho gudahood ah inay kaga baxaan Somaliland” Ayuu yiri wasiir Cabdirashiid.
Maamulka Somaliland ayaan weli shaacin tallaabooyinka laga qaadi doono dadka aan u hoggaansamin amarkan marka ay dhammaato muddada tobanka maalmood ah, inkasta oo hay’adda amniga la faray in waajibka dadkan lagu saarayo iyaga loo xil saaray.
HBN ONLINE TV

