Wasiirkii arrimaha Bibadda ahna Ra’iisal wasaare ku xigeenkii Itoobiya oo is casilay

Demeke Mekonnen, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Itoobiya ee muddada dheer soo ahaa, sidoo kalena ahay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda tan iyo November 2020, ayaa iska casilay  labad jago, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Addis Standard.

Demeke oo ah gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga Barwaaqo-sooranka ee xisbiga talada haya u matalaya garabka Axmaarada ayaa sidoo kale maanta laga qaaday xilkii uu hayay. Waxaa lagu bedelay Temesgen Tiruneh, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISS).

Sidaasna waxa lagaga dhawaaqay shirkii xubnaha golaha dhexe ee PP ee socda.

In kasta oo Demeke uu ra’iisul wasaare ku xigeen soo ahaa tan iyo 2012, haddana sare u qaadistiisa wasiirka arrimaha dibadda ayaa timid isku shaandheyn aan horay loo arag oo uu sameeyay ra’iisul wasaare Abiy Axmed kaddib dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray bishii November 2020. Demeke ayaa beddelay wasiirkii arrimaha dibadda ee xilligaas Gedu. Andargachew isagoo sii wata xilka ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Arrintaan ayaa ku soo beegantay iyada oo uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya taniyo markii Muusa Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen hishiiskii Badda Cas.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed