Wasiirka Maaliyadda, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo ka wada hadlay maalgelinta laamaha amniga iyo dib u habeynta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa xarunta Wasaaradda Maaliyadda kula kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay maalgelinta laamaha amniga iyo dib u habeynta. “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed adeeg amni oo qiimo badan, waana uga mahadcelineynaa sida ay isku xilqaameen” ayuu yiri Wasiirka.

Arrintaan ayaa loogu talagalay in kor loogu qaado tayeynta ciidanka Booliiska Soomaaliya, kuwaas oo u baahan lacago dheeraad ah, oo lagu maalgaliyo ciidanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed