Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur ayaa ka qeyb galay shirka Kalfadhiga labaad ee Isbaheysiga La-dagaalanka Argagixisada Islaamka (IMCTC) oo ka dhacay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Wasiirka ayaa ka warbixiyay guulihii ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ka gaareen dagaalka iyo ciribtirka Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay duulaanka ay dowladda Itoobiya ku hayso madax banaanida Soomaaliya iyo khatarta ay ka geysan karaan Geeska Afrika iyo Badda Cas. Waxa uu sheegay in Itoobiya ay ku xad gudubto shuruucda caalamiga ah iyo madax banaanida iyo midnimada Soomaaliya.
HBNN NEWS DESK