Wasiiradda iyo Xildhibaannada ka soo jeedo Somaliland oo war culus ka soo saaray hishiiskii Itoobiya iyo Somaliland

Wasiiradda iyo Xildhibaannada ka soo jeedo gobolada Waqooyi ee Somaliland ee ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka horyimid hishiiskii ay galeen Itoobiya iyo Somaliland oo ay ku tilaameen sharci darro, lana aqbali karin, kuwaas oo si buuxdo u diiday in Itoobiyo ay soo farageliso madax-bannaanida dhuleed iyo mid nimada Jamhuuriyadda Faderalka Soomaaliya.

Xubnahaan  laga soo doortay gobolada waqooyi ayaa si kulul uga hadlay heshiiskii ayaa ka dhawaajiyay in falkaas uu yahay mid wax u dhibaya madax-baannida Soomaaliya, waxayna ku baaqeen in Itoobiya ay ku kucday wax laga xumaado, iyaga oo isla qaatay go’aan mideysan oo ka dhan ah Adis Ababa.

Horay Wasiiradda iyo Xildhibaannada ka soo jeedo gobolka Awdal oo ah halka loo asteeyay in Itoobiya lagu , ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho toddobaadkii hore, waxay kaga horyimaadeen damaca xukuumadda Itoobiya ee Badda Caas ee gobolada Waqooyi ee Somaliland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed