Wasiirada Maaliyadda ee heer federaal iyo heer maamul goboleed oo ku midoobay dardar gelinta horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya

Dadaal wada jir ah oo lagu horumarinayo kobaca dhaqaalaha, ayaa waxaa isugu yimid Wasiirada Maaliyadda ee Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada, kulan ballaaran oo looga hadlayaysidii loo horumarin lahaa hannaanka Maaliyadda Soomaaliya ayaa ka  furmay magaalada Muqdisho.

Wasiiradan oo loo xilsaaray la socodka dhaqaalaha goboladooda ayaa intii uu socday waxa ay dood dheer ka yeesheen kulanka. Ajandahooda dhexe waxa uu ahaa in ay dejiyaan qorshayaal cusub oo lagu dhaqaajinayo “horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo fududaynta abuurista fursado shaqo oo dalka oo dhan ah”. sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan dowladda.

Heshiiska ay gaareen Wasiirada ayaa hoosta ka xariiqay in si deg deg ah loogu baahan yahay in la dhaqan geliyo istiraatiijiyado cusub oo aan kaliya lagu horumarin dhaqaalaha Soomaaliya, balse sidoo kale la bilaabo tallaabooyin adag oo shaqo abuur lagu sameynayo. In si wadajir ah diiradda loo saaro dib u soo nooleynta dhaqaalaha ayaa loo arkaa furaha horumarinta nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa laga soo jeediyay warbixin ku saabsan halka ay marayaan mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda. Wasiirada ayaa isku dayay in ay sahmiyaan wajiga xiga ee hindisayaasha loogu talagalay in Soomaaliya ay horay ugu sii socoto wadada kobac waara.

Cafinta deymaha ee bartamihii bishii December wax badan ayay ka bedeshay Soomaaliya, taasoo  siisay dabacsanaan dhaqaale oo cusub. Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa qiratay in cafiska uu u sahlay Soomaaliya in ay hesho dhaqaale shisheeye oo loogu talagalay qeybaha muhiimka ah sida waxbarashada iyo shaqo abuurka.

Taageerada IMF-ta ee maal-gashiga shisheeye ee meelaha muhiimka ah waxay la socotaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay inay maal-gashi ku sameyso qaybaha muhiimka ah ee sida tooska ah u saameeya nolosha muwaadiniinteeda. Dhaqaalaha soo gala ayaa la filayaa in uu wax weyn ka tari doono waxbarashada iyo shaqo abuurka, iyadoo wax laga qabanayo dhinacyada muhiimka ah ee horumarka bulshada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed