Wasaaradda Warfaafinta oo soo saartay faallo ku saabsan arrimaha wax ka beddelka dastuurka

Faallo looga hadlayo arrimaha wax ka beddelka dastuurka oo berri kulan xasaasi ah ay ka yeelanayaa, waxaa soo saartay Wasaaraadda Warfaafinta Soomaaliya, kaasoo la baahiyay, xilli dood adag ay ka taagan tahay kulanka berri.

Halkaan ka akhriso bayaanka oo faah faahsan:-

Arimaha aad u baahantahay inaad wax ka oggaatid Habraaca Ansixinta Wax-Ka -Bedelka Dastuurka?

1.Ujeedka Habraaca Wax-ka-beddelka Dastuurka:

Habraaca Wax-ka-beddelka Dastuurka waa xeer-hoosaadka labada aqal ee BFS ee tilmaamaya hannaanka kulamada wadaagga ah ee labada aqal maadaama uusan jirin xeer-hoosaad maamulaya kulamada labada aqal ay wadaagaan.

2. Muxuu ka koobanyahay Habraacan?

Habraacan wuxuu nidaaminayaa doodda xildhibaanada oo ah inta xildhibaan kastaa uu fikradiisa ka dhiiban karo oo ah daqiiqadaha ku xusan xeer-hosaadka labada aqal, shir-guddoonka kulamada wadajirka ah ee labada aqal ee BFS iyo habraaca loo marayo ansixinta wax-ka-baddelka soojeedimaha wax-ka-beddelka oo ah saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xildhibaanada Golaha Shacabka iyo saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xildhibaanada Aqalka Sare si waafqsan Qodobka 136 (1) ee Dastuurka KMG ah.

 

3.Habraaca Ansixinta Wax-kabeddelka Dastuurka ma waafaqsanyahay Dastuurka KMG ah?

Habraacan berito loo ballansanyahay waa habraaca waafaqsan cutubka 15aad ee Dastuurka KMG ah, qodobka 57aad ee Dastuurka KMG ah iyo xeer-hoosaadyada labada Aqal ee BFS.

4.Yaa awood u leh habraacan in uu soo saaro?

Baarlamaanka FS ayaa awood u leh dejinta habraacaan iyo habraacyada kale ee hagaya hawlaha guddiyada isku dhafan iyo arrimaha dib-u-eegista dastuurka si waafaqsan cutubka 6aad ee Dastuurka KMG ah iyo xeer-hoosaadyada labada Aqal ee BFS.

Berito Baarlamaanku ma ansixinayo nuxuurka wax-kabaddelka Dastuurka ee wuxuu u ballansanyahay ansixinta habraaca iyoxeer-hoosaadka labada aqal ee loo marayo wax-kabeddelka dastuurka oo waafaqsan cutubka 15aad iyo qodobka 57aad ee Dastuurka KMG ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed