Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo ka digtay saameynta isbaarooyinku ku yeesheen wax-soo-saarka beeralayda

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa shaacisay in isbaarooyinka waddooyinka la dhigto ay sababeen sicir-barar iyo dhibaato dhaqaale oo soo wajahday beeralayda dalka.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ah Wasiirka Beeraha ayaa sheegay in lacagta lagu bixiyo isbaarooyinka ay la mid noqotay sida uu hadalka u dhigay qiimaha badeecadaha lagu iibiyo suuqyada.

Isaga oo maanta joogay suuqa weyn ee Bakaraaha ayuu sheegay in moos qiimihiisu suuqa yahay 360 doollar, halka isla lacagtaasi mid la eg ku baxday jidka uu ku soo maray oo ay yaallan isbaarooyin. Wuxuu tilmaamay in xaaladdani culays weyn ku hayso beeralayda Soomaaliyeed.

“”Mooskan, Isbaarada lacagtii ku soo baxday iyo lacagta maanta loo gaaray suuqqa waa isku mid. $360 Dollar ayuu ku fadhiyaa Mooskan suuqa, $360 dollar-na jidkuu ku soo maray. duruuftaas ayey Beeralayda Soomaaliyeed ku sugan yihiin” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Talisyada ciidamada xoogga, Booliska iyo maamullada dalka ayuu u diray fariin ku aadan in wax laga qabto dhibaatooyinka wadada ay kala kulmaan ganacstada beeralayda dalka ee suuqyada wax soo galiya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed