Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay magaalada Caad ee gobolka Mudug iyo shabaab oo lagu eedeyay inay qaateen raashin macaawino ah

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar saakay kooxda Al shabaab ay ku qaadeen magaalada Caad ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada isku dhafka ah ee dowladda Soomaaliya, Galmudug, iyo kuwa deegaanka, waxana halkaas ka dhacay dagaal culus markii labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Sargaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka gaabsaday magaciisa sababa la xiriiro xiisada dagaalka oo ah mid xasaasi ah ayaa HBN TV u sheegay in dagaalka ay ku dhinteen afar ruux oo labo kamid ah ay yihiin ciidanka millateriga Soomaaliya iyo labo qof shacab ah. Sidoo kale waxaa xaqiijiyay in Al shabaan ay gudaha u galeen magaalada, halka geesaha ay joogaan ciimada dowladda Federalka ah iyo kuwa deegaanka, wararka qaar ayaa sheegaya in ay ka baxeen Al shabaab markii dambe, kaddib duqeyn ay kala kulmeen diyaaradaha dagaalka.

War koobaan Idaacadda Ciidamada dowladda ayaa lagu yiri ” Maydadka ilma yar yar oo si qasab ah dagaalka lagu soo galiyay ayaa daadsan Caad, qaarkood ayaana lugaha isaga xiran, waxaana sidoo kale lagu qaarijiyay dagaalka Horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan”.

Al shabaab ayaa lagu eedeeyay inay qaateen raashin macaawino ah oo loogu talagalay dadka dadkaanka kaas oo maalin kahor la keenay, qorshuhuna uu ahay in maanta la qeybiyo, balse baqaaradii lagu xareeyay ay ka saareen dagaalyahanada weerarka soo qaaday, sida aan ka soo xiganay ilo kala duwan

Dhanka kale galabta gaari ay saarnaayeen dad shacab ah ayaa la sheegay in miino wadada lagu aasay ay la kacday, isla markaana hal ruux uu ku dhintay, mida kalana uu ku dhaawacmay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed