Warar kala duwan oo ka soo baxaya dagaal gobolka Mudug ku dhexmaray Ciidanka isku dhafka ah iyo Al shabaab iyo khasaaro ka dashay

Dagaal qaraar oo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug ayaa ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka  waxay dagaal culus ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo maanta weerar ku qaaday deegaanka Shabeelow. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gurmadkii ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ay iska caabiyeen kooxda weerarka soo qaaday.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa sheegay in weerarka ay soo abaabuleen Al-Shabaab uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay Ciidamada isku dhafka ah oo fiiro gaar ah u lahaa weerarkii Shabeelow. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay deegaanka Shabeelow, ayaa hadana warar kala duwan waxay sheegayaan inu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamo gurmad ah oo ay kala direen dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug ayaa si deg deg ah ku gaaray deegaanka lagu dagaalamay ee Shabeelow. Saraakiisha dowladda ayaa tilmaamay in guulo wax ku ool ah laga gaaray dagaaladii socday, taasi oo muujineysa sida uu u hirgalay dadaaladii wadajirka ahaa ee looga hortagayay duulaanka kooxda.

Dowladda ayaa sheegtay in wada shaqeyn dhexmarta ciidamada dowladda, maamulka Galmudug iyo shacabka deegaanka ay muujineyso sida ay uga mideysan yihiin ka hortagga khatarta Al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed