Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya howlgal lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsanaa Al shabaab kaasoo ka dhacay gobolka Baay

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ciimada dowladda Sooomaaliya ay ku qaadeen  xubno ka tirsan kooxda Al shabaab, kaasoo ka dhacay deegaanno ku yaal gobolka Baay ee maamulka Koofur Galbeed.

Weerarkaan ayaa la sheegay in ciidamada ay si gaar ah uga fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Haween oo ka tirsan gobolka Baay, halkaas oo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo halkaas isku aruursanayay, sida ay sheegeen laamaha ammaaka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan iyo ilo wareedyo ayaa warbaahinta u sheegay in howlgakasi lagu dilay ilaa 7 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Al shabaab, isla markaana howlgalku uu u dhacay sidii la qorsheeyay.

Waxaa sidoo kale Saraakiisha ay sheegeen iney kooxda Al-shabaab ka gubeen shan Mooto oo ah nuuca Fekon-ta loo yaqaan oo ay wateen xubnaha ka tirsan kooxda Al-shabaab ee lagu dilay howlgalka.

Weerarkaan ayaa imaanaya iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay gobolkaas ay ka dhacayeen howlgallo kala duwan oo lala eegtay kooxda Al shabaab oo gacanta ku hayo deegaanno ku yaal gobolka Baay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed