Warar cusub oo ka soo kordhay dagaal beeleeydo muddooyinkii dambe ka taagnaa xadka Hiiraan iyo Sahbeeldada Dhexe

Maamulka Hirshabeelle ayaa ayaa ku guulesytay in xal hordhac ah laga gaaro dagaaladii khasaaraha dhaliyay ee maleeshiyaad wada daga xadka labada gobol ee Hiiraan Shabeelada Dhexe ku dhexmaray deegaanka Iji toddobaadyadii la soo dhaafay, waan waan socotay ayaa keentay in la kala qaado maleeshiyaadka.

Taliyaha Ciidanka Booliska HirShabeelle G/Sare Xasan Dhicisow Xasan iyo wafdi culus oo labada gobol ah oo muddooyinkii dambe ku sugnaa deegaanada hoosyimaado degmada Jalalaqsi iyo degmada Ceel-baraf ayaa ku guuleystay in la joojiyo colaadii u dhaxeysay deeganada labada gobol ee maataanaha ah ee loo yaqaan Hirshabeelle.

Sidoo kale waxaa la kala qaaday ciidamadii isku horfadhiyay dhul beereedkii lagu dagaallamay, ayada oo la kala dhex dhigay ciidamo suga amniga deegaanada lagu diriray ee colaadu ay ka taagneed.
Taliska Booliska iyo masuuliyiinta ka socotay labada gobol oo isugu jiray guddoomiyeyaasha, wasiiro iyo saraakiil sar-sare ayaa sidoo kale ku guuleystay in dib la iskugu furo isku socodkii labada dhinac.

Waxaa loo balansan yahay gogol nabadeed oo dib u heshiisiin oo dhinacyadu iskugu yimaadaan, si colaadda deegaanadaasi mudada ka taagneyd si rasmi ah loogu soo afjaro.

Maamulka HirShabeelle ayaa maalmo ka hor ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab hurinta dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed