Wararka ka imaanaya deegaanka Beerayabaal ee hoostaga Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ayaa ku soo waramaya inuu ka socdo deega Daagal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Xoogga iyo Alshabaab.
Dagaalka oo la isku adeegsanaayo hubka culus ayaa waxaa Ciidanka Dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaga garabsanayaan sida la soo sheegay in deegaanka laga saaro kooxda Alshabaab.
Daryanka hubka la isku adeegsanayo ayaa la sheegay in laga maqlayo magaalada Beledweyne, welina lama oga khasaaraha ka dhashay.
Sida oo kale dagaalka waxaa barbar socdo duqeymo xooggan, kuwaa oo madaafiic ku garaacaya fariisimaha Alshabaab ay ku leeyihiin bannaanka deegaanka Beerayabaal, sida aan ka soo xiganeyno ilo gobolka ah.
Ciidamada Xoogga Dalka iyo iyo kuwa deegaanka ayaa sheegay inay kala wareegeen deegaannada kala ah Beera-yabaal, Jiciboow, Biya-madoobe, Arooso iyo Deegaano kale oo dhaca Jiinka Wabiga islamarkaana Hoostaga degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.
Isha ku haay HBN ONLINE TV