Wadahalado xal loogu raadinayo Askartii lagu laaleyey Shabeellaha Dhexe oo ka bilowday Beledweyn

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka bilowday maanta wadahadalo xal xal loogu raadinayo Askartii lagu laaleyey deegaanka Ceel-Baraf ee Shabeellaha Dhexe.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaal, Odoyaal dhaqan iyo xubno kale oo gaaray xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa bilaabeen wadahadalo xal loogu raadinayo dejinta xiisadda taagan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse salaad wehliye oo masuuliyiinta la hadlay ayaa sheegay inay kawada hadli doonaan qaabka loo wajahayo arintan dhiilada leh, iyaga oo ay tacsi u taalo.

“Wixii dambi ah waxa qaatay cidii disha Askartii qaranka Anaga waajibka nasaaran waa inan wajahnaa xalka ugu wanaagsan ee wax lagu xalin karo.” ayuu yiri guddoomiye Muuse.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhacdadii lagu dilay Askarta ka tirsanaa ciidamada xoogga ee ka dhacday deegaanka Ceel-Baraf mid aad u foolxumaa oo ay ka dambeeyeen kooxo ay ku tilmaantay Axmaqiin dad-qalato ahaa.

Waxaa dhacdaasi u xiran masuuliyiin isugu jira odayaal ah oo ku jiro guddoomiyihii Ceel-Baraf oo xilka laga xayuubiyey.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed