Wadahadalo xal loogu raadinayo xiisadda gobollada Sool iyo Sanaag oo bilowday

Gobollada Sool iyo Sanaag ayaa waxaa ka billowday kulamo looga arrinsanayo xal u helista xiisadda ka dhex jirta Somaliland & Maamulka SSC-Khaatumo ee saameynta taban ku reebtay Magaalada Ceerigaabo iyo deegaannada ku xeeran.

Odoyaal dhaqameed kulan la qaatay Garaad Jaamac Garaad Cali waxa ay kala hadleen in dhanka uu dhaqanka u yahay ee SSC-Khaatumo uu aqbalo dedaallada kala duwan ay ku bixinayaan daminta xiisadda ka jirta Magaalada Ceerigaabo Gobolka Sanaag.

Ilo kala duwan ayaa warbaahinta u sheegay in dedaallo kale oo ay wadaan Odoyaal dhaqameed kale ay diiradda ku saareen sidii ay ula hadli lahaayeen duubabka kasoo jeeda dhinaca Somaliland si xal waara loo helo.

Warbixinnadii ugu dambeeyay ee laga soo saaray dadka ku barakacay colaadda ka jirta Magaalada Ceerigaabo ee u dhaxeysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa waxaa ay ku dhowdahay 50 kun oo ruux oo lagu dul dagaalamay, halka badi ay barakeceen UNCHR aan ka soo xiganeyno.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed