Wadahadallo lagu dhexdhexaadinayay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siciid Cabdullaahi Deni oo guul daarro ku soo dhammaaday

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya wadahadallo guul darro ku soo dhammaaday oo lagu dhexdhexaadinayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siciid Cabdullaahi Deni, kaasoo garwadeeno ay ka ahaayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi farmaajo

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen labada madaxweyne ee  Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayey ku sheegeen in uu mira dhali waayay, wadahadal diirada lagu saaray in la dhammeyo khilaafkii muddooyinkii la soo dhaafay u dhaxeyay Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, isla markaana wax natiijo ah aysan ka soo bixin.

“Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo waxaan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hakad galiyo galka la xiriira wax-ka baddalka dastuurka muddo laba asbuuc ah. Hase yeeshee, waxaa muuqata kaalintii odaynimo aanu isu xilqaannay in ay mira dhali wayday kaddib markii aanu dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah ka waynay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo uu soo dhigay boggiisa Facebook.

Dhanka kale nuqal kamid ah bayaanka ayaa la soo dhiga boogga Faceebook-ga  ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Warkaan soo baxay ayaa ku soo beegmaya iyada oo dhawaan madaxweynaha Puntland uu sheegay in uu gogol dhigi doono magaalada Garowe , taasoo looga hadli doono khilaafka maamulkiisa iyo Villa Soomaaliya, isla markaana uu intaas raaciyay in madaxweyne xasan Sheekh uu aqbalay gogoshaas.

 HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed