Waan Waan iyo wadahadalo nabadeed oo oo xal loogu raadinayo dagaal beeleedyo ka dhacay Hirshabeelle oo ka socda halkaas

kulamo nabadeed iyo dib u heshiisiineed oo xal loogu raadinayo dagaal beeleedyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay xadka gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa ka socda degmada Jalalaqsi ee maamulka Hir-Shabeelle.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa gaaray degmada Jalalaqsi si ay u midoobaan, duubabka dhaqanka ee labada beelood iyo saraakiil amni oo loo xilsaaray dhex dhexaadinta beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Hirshabeelle, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maamulka Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Guddoomiyaha Maxaas, Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Gobolka iyo mas’uuliyiin kale oo dalka ka tirsan.

Tallaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay labada beelood ee wada dega deegaannadaas, waxayna sheegeen inay tahay tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhinaca horumarinta nabadda iyo dib u heshiisiinta gobollada.

Dhanka Maamulka Gobolka Hiiraan, Guddoomiyaha Gobolka C/llaahi Axmed Maalin Sufurow, Guddoomiyaha Jalalaqsi iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa durba bilaabay inay ka wada hadlaan qaabka ay u wajahayaan labada beelood ee ku aadan horumarinta Nabadda iyo xasiloonida.

Dagaal beeleedka ka dhacay Xadka ay wadaagaan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo dilal la xiriira dad rayid ah, waxaana dagaalkaasi uu saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed